Macluumaad iyo Taageero

Ku soo dhowow mareegta Caafimaadqabka  Beesha oo ah meel loogu talaggalay ladnaanta oo ay abuureen 14  hay’ado samafal oo caafimaadka dhimirka iyo caafimaadqabka ka shaqeeya Waqooyiga Ireland.

Bartan oo online ah  waxay isu keentaa macluumaad kala duduwan, hagayaasha is-caawinta iyo sida loo helo caawin iyo taageero

Waxaad ka heli kartaa macluumaad ku saabsan  sida loo seexdo hurdo wanaagsan, talooyin ku saabsan la dagaallanka welwelka shaqada ama welwelka lacagta, meesh laga heli karo rugta cuntada lacag la’aanta ah  ee degaankaaga ama helitaanka taageerada guriyeynta. Xarunta Caafimaadqabka Beesha  waxay halkan u joogtaa si ay u hubiso inaad hesho macluumaadka waxtarka u leh  caafimaadka dhimirkaaga  iyo caafimaadqabkaaga.

Sii akhri si laguugu sharxo sida loo isticmaalo Barta Caafimaadqabka Beesha.

sharaxaada video

Browsealoud

Barta Caafimaadqabka Beesha waxay leedahay habka Browsealoud. Waa qalab kaa caawinaya inaad bogagga u tarjumato afkaaga.  Si aad u isticmaasho, waxaad doorataa goobada leh midibka liinta ah ee dhinaca midigta ee  hoose ee shaashadda. Markaad gujiso badhanka,  waxaa xagga sare ka  soo baxaya qeybaha websaytka.

Afar calaamadood kaddib waxaad  arki doontaa calaamaddan:

Kaddib waxaad afkaaga ka dooran kartaa liiska kala sarreeya.

Marka aad doorato afkaaga, mareegta ayaa si toos ah laguugu tarjumi doonaa afkaaga.

Waxaa laga yaabaa inay jiraan khaladaad, laakiin waxaannu rajeynaynaa inay kaa caawin doonto inaad hesho macluumaadka afkaaga ku qoran.

Qaad 5 tallaabo la xiriirta caafimaadqabka

Qaad 5 tallaabo la xiriirta caafimaadqabka

Badankeen waannu ognahay marka aynan maskax ahaan iyo jir ahaan ladnayn, laakiin mararka qaarkood waxaannu u baahannahay taageero dheeri ah si aannu caafimaadqab u dareenno.

Waxaa jira shan tallaabo oo fudud si loo dhowro loona wanaajiyo caafimaadqabkaaga. Isku day inaad taalloobinkan ku darto nolol maalmeedkaaga  –  uga fikir inay yihiin  “ shantaada tallaabo maalintii” ee caafimaadqabkaaga.

Xiriir samee

La xiriir dadka kuu dhow: qoyska, saxiibbada, dadka aan la shaqayso, deriska guriga, shaqada, dugsiga, iyo bulshada aad la nooshahay. U arag xiriirradan inay asaas u yihiin noloshaada oo waqti sii si aad u horumarisid. Samaynta xiriirradan wax bay ku tari doonaan kuna caawin doonaan maalin kasta.

Is firfircoonaysii

Soo socsoco ama orod, wad bushkuleeti, ciyaar, beerta fal ama dheel. Jimicsigu wuu kaa farxinayaa. Waxaa muuhim ah sidoo kale inaad ogaato waxa aad jeceshahay inaad qabato; wax ku habboon heerkaaga dhaqdhaqaaqa iyo jirdhiska.

Indha-indhee

Wax eeg eeg, wax qurux badan eeg ama ka hadal wax aan caadi ahayn. Si fiican uga hel wax aad qabanayso, haddii aad bas saaran tahay ama tagsi, haddii aad qado cunayso ama la hadlayso saaxiibbadaa. Fiiro u yeelo dunida kugu xeeran iyo waxa aad dareemayso. Inaad ka fekerto wixii ku soo maray waxay kaa caawinaysaa inaad u riyaaqdo waxa muhiimka kuu ah.

Sii wad inaad wax barato

Ha ka cabsanin inaad isku daydo tijaabinta wax cusub, inaad hiwaayad hore dib u yeelato ama aad kooras waxbarasho ku biirto. Wax kale isu xilsaar, hagaaji bushkuleeti, baro sida loo garaaco qalab muusig ama loo kariyo cuntada aad jeceshahay. Inaad wax aad jeceshahay qabato isu dir. Barashada wax cusub waxaad ka helaysaa kalsooni waana wax  aad ku farxi doonto marka aad samayso.

Sii

Wax wanaagsan u samee qof saxiib ah ama qof aadan garanaynin, u mahadceli qof, dhoollacaddee, waqti si isxilqaan ah ah meel uga shaqee ama ka feker inaad ku biirto kooxda xaafadda ka jirta.Fiiro u yeelo waxa aad dareemayso iyo waxa kuu muuqda. Inaad u aragto in farxaddaadu ku xiran tahay tan bulshadda waa arrin waxtar leh oo aad kula xiriiri karto dadka meel kugula nool.

Waxaannu samaynay liis waxqabadyo jaban ama lacag la’aan ah oo aad samayn karto si aad u  diyaariso shantaada waxqabad maalmeed.  >> https://communitywellbeing.info/take-5-steps-to-wellbeing/

Cunsuriyadda iyo Caafimaadka Maskaxda

Cunsuriyadda iyo Caafimaadka Maskaxda

Waannu ku caawin karnaa haddii ay cunsuriyad saamaysay caafimaadka maskaxdaada

Cunsuriyaddu saameyn xun ayay ku yeelataa caafimaadka maskaxda dadka ay soo foodsaartay. Dadka ay cunsuriyad soo foodsaartay waxay dareemi karaan uurkutaallo, welwel iyo isku-buuq maskaxeed,oo way ku adag tahay in helaan taageerid.

Boggan waxaa ku qoran tilmaammo ku saabsan taageeridda ay heli karaan dadka ay cunsuriyad saamaysay, ama Islaam-neceyb, iyo noocyada kale ee takooridda ku salaysan jinsiyad, diin ama qowmiyad.

Dareenno iyo dhibaatooyin adag

Hay’adda Insipire la shaqaysa oo hay’ad  la yiraahdo Mind ayaa tilmaan ka bixisay sida cunsuriyad ay u saamayn karto caafimaadkaaga maskaxda.

Akhri macluulmaad dheeri ah.

Cunsuriyaddu waxay sababi kartaa inaad dareento:

  • Soo dhowayn la’aan, cidloobid iyo go’doomid . Gaar ahaan haddii dadka ama hay’aduhu sheegeen ama u dhaqmeen sida in aadan dadka ka mid ahayn.
  • Welwel, cabsi iyo badqab la’aan. Waa suurtaggal inaad ka welwesho sida dadka kuu arkayaan oo kuula dhaqmayaan. Waa suurtaggal inaad muqaal ahaan dadka ka duwan tahay oo dareento nuglaan marka aad la joogto dad kala jinsayado duduwan. Waa suurtaggal inaad waqti geliso sida aad isu dhowri karto inta aadan meelo soo gelin. 
  • Caro iyo jahwareer. Gaar ahaan haddii si aan xaqsoor lahayn laguula dhaqmay oo aad dareemayso inaadan  xakamayn karin.
  • Cadaadis maskaxeed. Dhammaan noocyada cunsuriyaddu waxay sababaan cadaadis maskaxeed. Waxaa ka mid ah xadgudub degdeg ah oo lama-filaan ah oo qof kale kaaga yimaada.  Hase ahaatee, waxay kale oo yeelan kartaa saameyn waqtiga dheer ah oo qofku la kulmo sida gardrarrooyin yaryar. Ama saameynta taagan ee cunsuriyadda nidaamku ku yeelan karo noloshaada.
  • Xaalad aan caadi ahayn oo la yaab leh. Gaar ahaan haddii dadku tilmaamaan, ku qoslaan ama dhaliilaan waxa aad kaga duwan tahay iyaga. Habka qofka lagu dareensiiyo insuusan ka mid ahayn bulshada waxaa loo yaqaannaa ‘qof kale u arkid’.
  • Wareer iyo hubid la’aan in lagu cunsuriyadeeyay. Tani waa dhab gaar ahaan marka dadku indhaha ka qarsadaan ama beeniyaan waxa aad la kulantay. Shaki ayaa kaa geli karay waxa jira. Tan waxaa mararka qaarkood loo yaqaannaa  isyeelyeelid.
  • Lagugu qasbay inaad qariso waxa aad dareemayso. Waa suurtaggal inaadan si dabiici ah u muujin karin sida aad dareemayso. Si aad iskaga ilaaliso xadgudub badan oo aad badqab u dareento, waa suurtaggal inay kula habboonaato inaadan ka jawaabin cunsuriyad. Tani waxay sababi kartaa inaad iska aamusto ama in dhibaatda  aad la kulantay ay muddo dheer ku hayso
  • In hawl kaa badatay oo aad daallan tahay. Waa suurtaggal inaad cunsuriyad ula kulanto si joogto ah. Tani waxay saamayn isbiirsatay ku yeelan kartaa caafimaadkaaga maskaxda. Waa suurtaggal inaad dareento in cunsuriyad ay kugu wareegsan tahay.

Cunsuriyadda aad la kulantay  waa  kuu gaar ah. Oo waxay xiriir la leedahay arrimmo kale. Inaad weydiisato in lagu caawiyo waa tallaabo muhiim ah si loo wanaajiyo caafimaadkaaga maskaxda.

Helista macluumaad iyo talo

Xaq ayaad u leedahay inaad badqab ku dareentid bulshada dhexdeeda. Waxaad kale oo xaq u leedahay inaad qabsatid hawlahaada malmeed ee caadiga ah. Qofna looma oggola inuu si xun kuula dhaqmo qofka aad tahay ama qof ay kuu malaynayaan inaad tahay awgeed. Haddii lagu cabsigeliyo, laguu hanjabo ama lagu weeraro jinsiyadda aad tahay ama diinta aad haysato awgeed, waa inaad booliska kala soo xiriirto 101 ( xaaladda aan degdegga ahayn) ama 999 (xaaladda degdegga ah).

 

 Adeegga U Qaareemidda Loo Dhan Yahay ee hay’adda Inspire waxaa heli kara qof kasta oo ku nool Waqooyiga Ireland oo jira ama da’diisu ka sarrayso 18 sano. Telefoonka iyo habka sheekeysiga ee webchat waxay furan yihiin 10:00 subaxnimo ilaa 4:00 galabnimo Isniinta ilaa Jimcaha. Si aad la soo xiriirtod U Qareemidda Loo Dhan Yahay:   

Naga soo wac lacag la’aan :

0808 189 0036

Noo soo dir email:

hello@inspirewellbeing.org

Nagula sheekeyso habka  webchat:

Calaamadda hoos ku qoran keliya guji.

 

Macluumaad kale oo waxtar leh

Adeegga Booliska ee Waqooyiga Ireland wuxuu wadaagay talo ku saabsan dambiyada nacaybka ku salaysan iyo sida loo istimaalo mareegtooda si  loogu soo sheego.

Guji  halkan  si aad  macluumaad kale u hesho.

Waa suurtaggal in waxa dhacaya kaa awood-bataan hadda. Waa sababta ay muhiim u tahay in la dhowro caafimaadkaaga maskaxda haddii war xun aad dhibsato. Waxaannu  halkan  ku haynaa macluumaad badan si laguu caawiyo.

Haya’dda Mind  waxay haysaa macluumaad faahfaahsan ku saabsan   caafimaadka maskaxda iyo cunsuriyadda . Waxaa ka mid ah taxane qeexdin ah ee erayada muhiimka ah.

Jigsaw, waa hay’ad samafal ee carruurta iyo dadka da’ada yar, oo waxay diyaarisay macluumaad qofku si iscaawin ah u adeegsan karo, loogu talagalay da’da 12 ilaa 25 si ay wax uga qabtaan saameynta cunsuriyadda. Waxaa laga heli karaa  halkan.

Xarunta Caafimaadka Maskaxda (Centre for Mental Health) waxay leedahay qormooyin xiise leh u saabsan qowmiyadda iyo caafimaadka maskaxda oo aad ka akhrisan halkan.